Current date/time is 29th January 2012, 9:29 pm
- Forum
- Topics
- Posts
- Last Posts
- 6 Topics
- 6 Posts
- 23rd January 2008, 6:55 pm
Admin
- 0 Topics
- 0 Posts
Shirkadda dhismaha ee kulan Construction co
Shirkadda Dhismaha Ee kuland Construction Company waxay kuu haysaa dhismayaal tayadoodu sarayso ee hore ugaadh
Wixii faah faahin dheeraad ah ka la xidhiidh xafiisyada shirkadda.
Hargeisa
Ber-bera
Boorama
Burco
Email:kulan127@hotmail.com
Tel:002524428828,0025265384373
- 0 Topics
- 0 Posts
Telcom Somaliland Service
Welcome To Telcom Somaliland ServiceTelcom Mobile Features
Telcom Mobile provides a useful different features that you can use in your Mobile. Some of these features can be used by all Telcom Mobile Customers (Both Prepaid & Postpaid), where some of the features are intended only for Prepaid Subscribers.
GSM Features for Prepaid Subscribers
Quick Recharge... Read Details
Quick Balance Enquiry... Read Details
Missed Call Notification Service... Read Details
Balance Transfer Services... Read Details
Alternate Recharge Services... Read Details
Familiarity Number Services... Read Details
Common GSM Features
Call Waiting... Read Details
Call Transfer... Read Details
Call Conference... Read Details
CLIP... Read Details
CLIP Override
CLIR... Read Details
Permanent Restriction
Temporary Allowed
Temporarily Restricted
Call Forward... Read Details
Notification to Forwarded-to Party
Notification to Calling Party
Barring Password... Read Details
SMS Local, National & International... Read Details
up
Quick Recharging Procedure
To Recharge your mobile account quickly, use this USSD shortcut: * 141 * Pin No # Ok
The Pin No is the 12 Digit on the Card
IVR Recharging Procedure
Dial 182 / OK, and listen the instructions
Press 1, and listen the instructions
Enter The Scratch Card Pin Number, Press #, and listen the instructions
If you make a mistake just press * and repeat the process
Quick Balance Query
To Check your Phone Account Balance quickly, use this USSD shortcut: * 142 * # Ok
IVR Balance Query
Dial 182 / OK, and listen the instructions
Press 2, and listen your Mobile Account Balance
Or Dial 211 / Ok, and listen your Mobile Account Balance
up
Missed Call Notification Service Activation Procedure
Press 144 / Ok, and listen the instructions
Press 1 to activate Missed Call Notification Service
Press 1 to confirm Missed Call Notification Service activation
Balance Transfer Service Procedure
Dial 182 / OK, and listen the instructions
Press 3, to enter Balance Transfer Service
Enter your 8 digit Pin and, then Press #
Enter The amount you want to transfer, then Press #
Enter the phone number you want to transfer money (Ex: 65xxxxxx), then Press #
Press 1 to Confirm the amount you are transferring
You will receive SMS message indicating that your amount is transferred
Alternate Transfer Service Procedure
Dial 182 / OK, and listen the instructions
Press 5, to enter Alternate Transfer Service
Enter the phone number you want to transfer (Ex: 65xxxxxx), then Press #
Press 1 to Confirm the Phone Number you entered
Enter The Scratch Card Pin Number, Press #, and listen the instructions
You will receive SMS message indicating that your amount is transferred
Familiarity Numbers Service Procedure
Dial 182 / OK, and listen the instructions
Press 4, to enter Familiarity Number Service
Press 1 to activate Familiarity Number Service
Press 1 and listen the instructions
Add Familiarity Number using this format (65xxxxxx), then press #
up
Call Waiting Service
Call Waiting Service allows you to put your current call on hold and receive another call.
To use this feature, do the following:
To Activate Call Waiting Service use this shortcut: * 4 3 # ok
To Deactivate Call Waiting Service use this shortcut: # 4 3 # ok
Call Conference Service
Call Conference Service enables you to talk with two or more parties at the same time. The calling party is charged.
To Activate Call Conference Service
While talking to one person on the phone and you wish to join a third party in the same conversation, please follow these steps:
Go to Menu/Options
Select "New Call". This will put the current call on hold.
Dial the new number and press ok
Select "Call Conference" from the Options list.
To add more parties in the same telephone conversation, you only need to repeat the above steps for every party you join.
This feature is available in both Prepaid and Postpaid services.
up
Call Forward Service
Call Forward Service enables you to divert your incoming calls to another telephone.
To Activate Call Forwarding Service
Use either of the following shortcuts:
Divert all incoming calls: * * 2 1 * (Phone Number) # ok
To Divert when no response: * * 6 1 * (Phone Number) # ok
In case of no access: * * 6 2 * (Phone Number) #ok
In case of busy line: * * 6 7 * (Phone Number) # ok
To Deactivate Call Forwarding Service
Use either of the following shortcuts:
To cancel all diverts use: # # 0 0 2 # ok
To Cancel Conditional divert use: # # the code(61,62, or 67) # ok
Example of Call Forward:
To divert all incoming calls to Tel: 5200011, use this shortcut code: * * 2 1 * 5200011 # ok
To cancel all incoming calls diversion, use this shortcut code: # # 0 0 2 # ok
Note!! "This Feature requires Activation, contact: GSM Sales Section Tel: 140"
up
Caller Line Identification Presentation Service (CLIP)
CLIP service allows you to see the number of the party calling you.
The number is displayed on your phone screen
Super CLIP Service
Super CLIP allows you to know the caller number any time
Note!! "This Feature requires Activation, contact: GSM Sales Section Tel: 140"
Super CLIP Service
CLIP service allows you to hide your number so that the called party can not see your number. you can use CLIR in the following three different options:
Permanent Restriction
Temporary Allowed To use this option use this format: # 31 # Tel No 0k
Temporarily Restricted To use this option use this format: * 31 # Tel No Ok
Note!! "This Feature requires Activation"
up
Call Barring Service
Call Barring Service enables you to protect your phone from unauthorized use. The call barring service lets you control the types of calls that can be made from your mobile including:
All Outgoing Calls
Outgoing International Calls
Outgoing International Calls except home country
Incoming Calls
Incoming Calls when Roaming
To Activate Call Barring Service
Call Barring Types
How To Activate
How To Deactivate
Outgoing Calls
*33* password #ok
#33*password #ok
Outgoing International
*331* password #ok
#331*password #ok
Outgoing International Calls except home country
*332*# password #ok
#332*# password #ok
Incoming Calls
*35* password #ok
*35* password #ok
Incoming Calls when Roaming
*351* password #ok
#351* password #ok
To Deactivate Call Barring Service
*330* password #ok
To Change Call Barring Service
**03* 330* password *new*new#
Menu, Select Settings/Security Settings/Change Access Code/Change Barring Password
Note: The Password is four numbers (0-9)
Short Message Service (SMS)
This service enables you to send and receive written messages composed of up to 160 characters in English and 70 characters in Arabic from your GSM mobile handset to other GSM mobiles.
With Telcom SMS
You can send/receive Local SMS
You can send/receive National SMS (Between Telcom Somalia and Telcom Somaliland)
You can send/receive International SMS (Most of the GSM Operators)
To Activate SMS Service on your mobile handset
Go to "Menu" and select "Message"/ "Setting" /"Message Center Number"
Enter the Message Center Number (0025265370000)
Go to "Write Message" and use the phone buttons list to compose and send sms.
SMS service is available in both Prepaid and Postpaid.[/b]
Prepared By Saed A/lahi
- 0 Topics
- 0 Posts
- 0 Topics
- 0 Posts
wasaarada arimaha dibada oo war saxaafadeed ka soo saartey
Washington Dc (Hadhwanaagnews) Waaxda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka (USA STATE DEPARTMENT), ayaa warsaxafadeed kooban oo shan sadar ah kaga warbixisay socdaalkii madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka maraykanka dhawaan.
Warsaxafadeedkaasi oo xallay fiidkii la soo geliyey mareegaha waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:
"Wefdi balaadhan oo uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka ambabaxay dalka maraykanka 19 bishani january ka dib socdaal uu ku yimid maraykanka oo qaatay 8 maalmood, Madaxweynahu intuu joogay washington wuxuu la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka, Haayadda deeqalaha caalamiga ah u qaabilsan maraykanka (USAID), waaxda gaashandhiga, iyo haayadda ammaanka qarranka ee dalka maraykanka shaqaale ka tirsan.
Socdaalkani madaxweynaha oo ahaa mid muhiim ah waxyaabaha uu daaha ka rogay waxaa ugu weyna dannaha uu maraykanku ka leeyahay iyo danaha ka dhexeeya labada dal (Somaliland iyo maraykanka) sida ammaanka iyo nabadgelyada mandaqadda, horumarka dhaqaalaha, iyo isbedelka dimuqraadiyadda" ayaa lagu soo gebo-gebeeyey warsaxafadeedkaasi laga soo saaray xarunta arrimaha dibadda ee dalka maraykanka.
Warsaxafadeedkani ayaa wuxuu soo baxay maalin uun ka dib markii madaxweyne Rayaale ka dhoofay caasimadda maraykanka ee Washington oo uu joogay 8 maalmood ee ugu danbeeyey, waxaana uu warsaxafadeedkani ka danbeeyey hadal dhawaan ka soo baxay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Sean McCormack, oo uu ku sheegay in aanay jirin wax iska bedelay siyaasaddii maraykanka isla markaana aanu maraykanku aqoonsan doonin somaliland.
Madaxweyne Rayaale ayaa maanta markii uu ka degay caasimadda Somaliland ee Hargeysa shir jaraa'id oo uu saxaafadda kula hadlay wuxuu ku sheegay in xukuumadda maraykanku ay soo saari doonto war kale oo ka duwan kii uu soo saaray afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee maraykanku Sean McCormack.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hadhwanaagnews Reporter
London.UKPrepared By Saed A/lahi Olujog
Siciid127@siciid.com
- 0 Topics
- 0 Posts
Madaxweyne Riyaale oo xalay ka hadlay dhawaaqii aqoonsiga qadiyada somaliland
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xalay faah faahin ka bixiyay wada hadalo dhex maray masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, halkaas oo uu hadda ku joogo booqasho rasmi ah.
Madaxweyne Rayaale oo xalay u waramay Idaacadda VOA-da qaybteeda afka Somaliga, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan hadal ka soo yeedhay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka, kaas oo sheegay inaanay waxba iska bedelin mawqifkii dawladda Maraykanka ee ku waajahnaa aqoonsiga Somaliland...
Waraysigaas oo dhammaystirani waxa uu u dhacay sidan
]:
Madaxweyne, Waa Maxay Guusha aad ilaa hadda ka gaadheen booqashada wadanka Maraykanka?
Horta marka u horaysa qaddiyadayada ama mid dhaqaale ha noqoto, dhaqaalaha sidii la nooga cawin lahaa, dal dhismaya ayaanu nahay oo nabad sameeyay, oo wax qabsaday sidii lanoo caawin lahaa waanu kala hadalnay Maraykanka iyo Ingiriisba iyo qaddiyadaya oo aanu kala hadalnay, kumana talo gelin marka u horaysaba wixii aanu rabno inaanu helno, laakiin waxaanu leenahay fariintayadii inaanu gudbinay ayaanu ku qanacsanahay, waanan sugaynaa waxa ka soo baxa mustaqbalka
.
Madaxweyne, ma jirtaa wax ilaa hadda kaaga soo baxay oo aad maqashay oo natiijo ah?
Farriintayada in si fiican lanoo maqlayna waan kuu sheegayaa, inaanu gudbinayna waan kuu sheegaya, laakiin natiijada wakhtigeeda ayay iman doontaa. Waxaan isleenahay bini-aadamku inuu wada hadlo ayaa muhiim ah, waxyaabo badan ayaa laga yaabaa siday dadka aanu u imanaynaa u haysteen inay ka bedelantahay oo aanu annagu xaqiiqda u sheegno. Waxaanu anigu ku qanacsanahay farriintayadaasi inay gudubtay, wax ka soo baxana mustaqbalka ayaynu sugi doonaa.
Farriinta aad gudbinayseen Madaxweyne ma ka mid tahay aqoonsigu?
Way ka mid tahay, mar kasta ajandahayaga way noogu jirtaa.
Hadal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa ay sheegtay inaanay waxba iska bedeln fikirkii Somaliland ee dhinaca aqoonsiga oo ay weli u arkaan qayb ka mid ah Somaliya. Muxuu yahay dareenkiina arrintaas ku saabsani?
Horta waxaan u malaynayaa nin la waraystay ayaa jira oo Wasaaraddu ma soo saarin, Afhayeen nin ah ayaa su’aal la weydiiyay ka jawaabayay, waa run, waayo shalay lanama aqoonsan markaanu tagnay Wasaaradda Arrimaha dibadda, oo aqoonsi rasmi ah lanama siin, laakiin waanu ka wada hadalnay. Waxa laga yaabaa haddii ay yidhaahdeen wax iska kaayo bedelay, markaanu kulanay ma jirina, been may sheegin ayaan odhan karaa waayo go’aan ka soo baxay oo aanu meeshaas ku kala qaadanay ma jirin.
Markaas waxaad leedahay wax la soo karinayo oo qarsoon ayaa jira?
Maya ee bal wixii karsamayaa ha iska karsamaan, laakiin inaanu fariintayadii gudbinay oo is dhaafsanay rayiga, siday iyagu wax u arkaan iyo sidaanu annagu wax u aragno, waxaasina ay yihiin waxaan weli go’aan laga gaadhin.
Madaxweyne marka la eego hadalkaas Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda, haddana dadka aad la kulantay ee ka socday saraakiisha ammaanka ee aqalka cad, wasaaradda gaashaandhiga iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah iyo wasaaradda arrimaha dibadda, ka weyn ayaa la leeyahay waxa meesha jiraa oo wax Maraykanka iyo Madaxweynuhu hoos u wada wadaan ayaa jira.?
Kolay waa markii u horaysay ee annagu iyo Maraykanku kulano, marka u horaysayna anigu kuma talo gelin wax kasta oo aan wato inaan markiiba la noqto, laakiin waxaan ahayd baan odhan karaa fikrad bilow bay ahayd
imaatinkayagaas aan imid, waxaanan rajaynayaa inaanu imaatinka iyo kulanku intan uun ku dhammaan ee uu sii socon doono, aakhirkana ay ka soo bixi doonaan wax la wada gaadho, laakiin odhan maayo maanta waxaas iyo waxaas ayaan gaadhnay oo aniga laftigaygu kuu sheegi maayo.
Haddii dawladihii ku celcelinayaan inaad weli tihiin qayb Somaliya ka mid ah. Marna ma ku firkiraysaan inaad wada hadashaan masuuliyiintaasi koonfurta oo aad kala hadasho aqoonsiga?
Horta iyagu iyagoo wada hadla oo wax samaysta ayaan jeclaan lahaa oo aan kula talin lahaa, gudahooda ay hagaajiyaan, bal heerka aanu joogno inay soo gaadhaan ayaan kula talin lahaa, niman iyagiiba dabada iska wada qaniinaaya kumaan la hadlaa oo aanu ka wada hadalnaa inay jaar fiican xiitaa noqoto.
Laakiin hadday hal madax yeeshaan waa suurto gal?
May, madax hadday yeeshaan, horta sheegasho ay aniga I sheegtaan iguma yeelan karaan. Laba dal ayaanu ahayn, shalayna anigu maan ahayn wax la iibsaday oo iib Somaliya iguma biirin ee anigaa rabitaankayga ugu biiray, welibana Somalialnd ayaa midnimada samaysay.
Source: Wargeyka Geeska Afrika, online VersionPrepared By Saed A/lahi Olujog
Siciid127@siciid.com
- 0 Topics
- 0 Posts
Dowladda ingiriis ka oo ku dhawaaqdey in aanay aqoonsaneyn madaxweyne kibaki
Nairobi (Reuters/Jam)- Dawladda Ingiriiska ayaa shalay caddaysay in aanay aqoonsanayn Mwai Kibaki inuu yahay Madaxweynaha Kenya ee ku guulaystay doorashooyinkii dalkaa ka dhacay 27-kii December 2007, waxana sidaa sheegtay Ms Meg Munn oo Arrimaha Dibadda u Qaabilsan Baarlamanka Britain.
Toddobaadkii hore ayaa Ms Meg Munn iyadoo arrintaa ka hadlaysay waxay tidhi; “Dawladdayadu ma aqoonsana xukuumadda Kibaki, waxaanay labada hoggaamiye ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga hawlgalaan hawsha dhexdhexaadintooda.”
Mr. Adam Wood oo ah ergeyga khaaska ah ee xafiiska Komishanka Ingiriiska u fadhiya dalka Kenya, ayaa isna ka hadlay arrintan, waxaannu sheegay in Arbacada berri ay dawladdiisu si rasmi ah u caddayn doonto in xukuumadda Kibaki aanay aqoonsanayn iyo inkale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Mr. Moses Wentagula, ayaa ergeyga Ingiriiska Mr. Adam Wood ugu yeedhay xafiiskiisa, kana dalbay in war rasmi ah oo la xidhiidha arrintan ka sugayaan inay ka helaan London, isla markaana gaadhsiiyey siday uga xun yihiin hadallada ka soo yeeshay Baarlamanka dalkooda.
Wasiirku isaga oo faahfaahin ka bixinayey hadallada ka soo yeedhay Ingiriiska waxa uu yidhi; “Arrintan ku saabsan doorashooyinkayaga ma noqonayo mawduuc lagaga dhex doodo Baarlaman shisheeye dhexdiisa,” waxaannu sidaa u sheegay warbaahinta kadib markuu kulan qaatay laba saacadood la yeeshay Mr. Adam Wood, kaas oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen.
Waxa kale oo Wasiirku xusuusiyey ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska in aanay Kenya diyaar u ahayn in wax loo yeedhiyo, maadaama ay tahay qaran madaxbannaan. Isaga oo intaa raaciyey in hadallada noocan ahi yihiin kuwo waxyeello u geysan kara xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeyey labada dal tan iyo intii Kenya xornimadeeda qaadatay sannadkii 1963-kii.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay imaatinka Koffi Annan ee Nairobi oo uu ku tilmaamay nin wax ka tari kara khilaafka u dhexeeya labada dhinac, haseyeeshee wuxuu caddeeyey in aannu ahayn dhexdhexaadiye, balse uu yahay hawl-fududeeye (facilitator), isagoo sheegay in Kibaki oggolyahay inuu horfadhiisto Raila Odinga, isla markaana aaminsan yahay in iyagu dhexdood ka dhammaysan doonaan wixii dhexyaal ee ay kala tabanayaan.
Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ee uu horkacayo Koffi Annan, ayey rajo ka qabaan diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi inay Kibaki iyo Odinga isugu keenaan meel dhexe oo ah inay qaybsadaan awoodda xukunka dalka, ka hor intaan la qaban doorashooyin dambe oo cusub oo qabsooma markale dalka Kenya. Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr. Koffi Annan ayaa la filayaa inuu maanta gaadho magaalada NairobiPrepared By: Saed A/lahi Olujog
- 0 Topics
- 0 Posts

In total there is 1 user online :: 0 Registered, 0 Hidden and 1 Guest
Most users ever online was 3 on 18th October 2010, 5:26 pm
Registered Users: None
Legend : [ Administrator ] [ Moderator ]
Our users have posted a total of 6 messages
We have 1 registered user
The newest registered user is Admin
New posts
No new posts
Forum is locked
